- Get link
- X
- Other Apps
Posted by
REER BILE
on
- Get link
- X
- Other Apps
waa maxay qabiil
Qabiil waa isku tagga jifooyinka ama isku tagga qeybaha bulshe isku ab ah ama isir ah oo wadaaga abtirka. tusaalle ahaan marka aad rabta in aad ogaata macnaha saxda ah ee qabiiilka waxa uu ka bilaawmaa meesha ugu yar qof illaa laga gaaro qabiil. si aad u fahanta waxaan kugu soo koobay sawirkan hoos ku xusan.
qofka waxa uu noqon karaa dumar ama rag qaangaar ah oo da'diisu ka sareeysa 15 sana lakin carruurta iyo gabannada lama dhihi kara waa qof oo ayaga waxaa loogu yeeraa cunug, curay ama inanan.
qoyska waa waxa uu ka onkonmaa nin iyo naag is qabo, haddi ay caruur leeyijhiin iyo haddii aysan laheyn waa isku mid waxaa muhiim ah in ay yahii reer meedanay oo uu ku waajibay qaaraanka reerka.
qoloda waa qoysas isku heeb ah ama isku abtir iyo isir ah, dadka qaar waxa ay ugu yeeraan jifo ama jilib. qoloda wa ay hoos tagtaa qabiilka.
qabiil waa qolooyin ama jifooyin isku abtir ah wadaagana isirka sidoo kale qabiilku waxaa loogu yeerahaa beel tusaale beesha habargidir halka marka la jamciyana la yiraahda beelaha hawiye irir.
yoomiyad da waa beelo wadaaga afka iyo isirka sida qoomiyadda somalida qoomiyadda oromada. qoomiyadda ma wadaagda qaaraanka lakin waxa ay wadaagaan afka iyo abtirka isir ahaaneed. halka qabiilka wadaaga qaaraanka iyo qeysiga diyada.
waa maxay muhiimadda qabiilka
qabiilka waxa uu leeyahay faa'idooyin badan oo aan halkan lagu soo koobi karin lakin waxey ka xusi karnaa:-
- in ay bulshada isku aqoonsata oo qof waliba laga garto meesha uu kasoo jeeda isir iyo ab si loo ilaaliyo jiritaanka qoomiyadda.
- in lagu ogaado cudurada hidda raaca ah tusaalle marka aad guursaneysa waa in reerka aad gabadha ka guursaneysa ay caafimaad qabaan oo aysan laheyn cudurrada lakala dhaxla.
- qabiilku waxa uu caawiyaa marka qof, qoyska, ama qolo dhibaata soo gaadha ama ay ayaga geystaan oo looga soo raacsa qaan in ay si wada jir ah u bixiyaan.
- Tusaale haddi uu qof uu qofkale dila reerka qofka laga dilayna uu ogolaado diyo (100 geelah) qabiilka waxa uu qeybsadaa oo waxaa laga bixiyaa diyada qofka dhibaatada geystay oo laga yaabo in uusan awoodin bixinta boqolka geella ah.
- qabiilku waa uu isu hiiliyaa taas oo ilaalineysa dadka daciifka ah in aan lagu xad gudbin oo looga cabsada qabiilka ay kasoo jeedaan.
Maxey bulasha ka aaminsan tahay qabiilka
Bulshada waxa ay ka aaminsan yaxiin wax xun ooo waxa ay isku qaldaan qabyaaladda iyo qwabiilka sidaa darteed waa muhiin in fahan dhab ah loo yeesha qabiilka, hubaal qabiilka maxxuma qabyaaladda ayaa xun, sidoo kale waxaa jira dad u adeegsada qabiilka ku tagrifal awoodeed iyo gardarra aan geed loogu soo gamban lakin qabiilka marka wanaagga loo adeegsada waa iswalaashi iyo wax wada qabsi u dheexoyo bulshada wada dhalatay.
Comments
Post a Comment