- Get link
- X
- Other Apps
Posted by
REER BILE
on
- Get link
- X
- Other Apps
TAARIIKHDA DEGMADA BULO-BURTE
Taariikhda iyo Dhaqanka Buulaburte, Soomaaliya: Astaamaha Taariikhiga ah, Nolosha Deegaanka, iyo Qabiilada
Degmada Buulo-burte waxay ku taallaa Bartamaha gobolka Hiiraan, Maamul Goboleedka Hirshabeelle, degmada waa magaala qadiim ah waxeyna leedahay magacya badan sida buloburte, bulabarde, buulaay ama deebley.
Bulabarde waa magaalo qadiimi ah kana mid ah magaaloyinka ugu faca weyn dalka, waa magaalada labaad ee ugu weyn uguna population-ka badan gobolka Hiiran, waxey sidoo kale ka mid tahay magaaloyinkii ugu horeeyay dalka ee lagu asteeyay heer degmonimo.
Waxaana bartamaha ka mara wabiga shabeelle, Sidoo kale magaalada Buulaburte waxa dhexmara laamiga dheer ee isku xera Goballada Waqooyi iyo goballada koonfureed Waxeeyna Magaalada muqdisho ujirtaa 220km.
waxaa ku taalla buunda ugu quruxda badan uguna tayada wanaagsan dalka Soomaaliya oo ah buundada Buulo-burte / bulobarde, buundadan mar waa meel dalxiiska ku wanaagsan oo aad u qurux badan, marna waa lafdhabarta isku xerka koofurta iyo waqooyiga somalia.
Bulabarde waxey aheyd bari samaadkii saldhigii ugu weynaa gumeystihii Talyaaniga waana halkii Talyaaniga si xun loogu laayay sanadkii 1922 halgankii uu horkacayay halgamaa Shiekh Hassan Barsane AUN oo taagero weyn ka helay somalidii barigaa ku nooleed koofurta soomaaliya iyo bartamaha somaliya sida geesi yadii daganaa gobalka hiiraan.
XAAFADAHA DAGMADA BULOBURTE
waxa ay dagmada bulabarde ka kooban tahay illaa todobo xaafadood oo kala ah:-
1: Xaafadda Bagabeeso
2: Xaafadda indhaceel
3: Xaafadda hantiwadaag
4:Xaafadda october
6: Xaafadda Madiino
7: Xaafadda Wadajir
8:Xaafadda Buloxudi
Meelaha caanka ah dagmada buloburte
Goobaha taariikhiga ay leedahay dagmada buulo burte waxaa ka mid ah:-
1- GORGORKA: WAA taalla ay caan ku tahay dagmada buulaburte oo ay dhistay dowladda Talyaaniga xiligii gumeyga.
2- SHELL: WAA shirkad shidaal oo laga lahaa dalka Holland oo magaceeda oo qoraal bir ka sameysan dhanka galbeedka wadada laamiga ah.
3- masjidkaweyn ama masaajidka jaamica ee dagmada buulo burte
Goobaha waxbarashada ugu caansan
Goobaha waxbarashada ugu caansan waxaa ka mid ah:-
1- Schoolka deebley
2- schoolka sheikh hassan barsana
3- schoolka Axmed guureey
4- Schoolka carabiga
5- Jaamacadda buuloburte
Waxyaabaha ay ku caan yahiin reer buuloburte.
TACABKA Beeraha sida galleyda, masagada, qudaarta, fruts-ka sida canbaha
Beelaha Daga dagmada Buulo-Burte
1 Beelweynta baadacada taas oo marwaliba laga soo doortay gudoomiyaha dagmada xilkaasi waaa mid u xeran beesha baadacadda
1 Beelweynta baadacada taas oo marwaliba laga soo doortay gudoomiyaha dagmada xilkaasi waaa mid u xeran beesha baadacadda
2 - Beelweynta Geelgecel waan beel magaalada deggan laakiin u badan baadiyaha galbeedka dagmada buulo burte magaalada waxaa inta badan loo doortaan xilka gudoomiyaha arrimaha bulshada.
3 - Beelweynta xawaadle waa beel dagta bariga dagmada buuloburte sidoo kale waxa ay ku badan yahiin Xaafadda bagabeeso.
4 beesha Jareer waaa beel dagta dagmada buuloburte kuna badan Xaafadda Madiino.
HABDHAQANKA BULSHADA BULOBURTE
Degmada buuloburte waxaa ku nool qabaa'il somaliyeed, laakiin ma sheegaan qabiilkooda oo haddii la weydiiyo waxa uu kuugu jawaabayaa waxaan ahay reer
B/burte. degmada waxa eey leedahay qisooyin aad ufarabadan halkaanna kuma soo koobi karo,waxaa ay kaloo leedahay Buundo lagu tilmaamo in ay ka mid tahay kuwa ugu dhismaha quruxoon buundooyinka dalka Soomaaliya oo dhan.
Xog dheeri ah click here
FG: Hilmaam hadal kumajiro haddan katagay macluumaadka qaar kamidah
QORAA: ABDIRSHID AHMED HUSSEIN
Comments
Post a Comment