- Get link
- X
- Other Apps
Posted by
REER BILE
on
- Get link
- X
- Other Apps
TAARIIKHDA TALIYE ABDI MOHAMED SHEIKH HASSAN (SUULNUUGE)
Taliye suulnuuge waxaa uu ku dhashay deegaan lagu magacaabo Buurweyn oo 30Km u jira dagmada Buuloburte ee Gobalka Hiiraan sanadkii 1980, waxa uuna waxbarashadiisa aas aasiga ah kusoo qaatay isla dagmada buurweyn.
Taliye suulnuuge inta aanu kusoo biirin ciidanka qaranka waxa uu ahaa qof aad looga yaqaanna deegaanka buurweyn kana shaqeeyo horumarinta bulshada, sidoo waxaa uu darawal ka ahaa booyad kuwa biyaha lagu dhaamiyo oo uu marwaliba masaajidka buurweyn biyo ugu soo dhaami jiray.
Ururka Alshabaab aya waxa ay isku dayeen in uu Taliyaha si qasab ah biyo ugu soo dhaamiyo ama uu joojiyo biyaha uu masaajidka usoo dhaaminaayo lakin arinkaas waxaa uu sabab u noqday in uu Taliye suulnuuge ka hor imaado amarrada Alshaab waxa uuna doortay inta uu gunnimo ku noolaalaa in uu gobannimo ku dhinto.
Sanadkii 2013 waxa uu ka midnoqday dhallinyarii si iskood ah dagaal kala hortagay ururka alshabaab waxa uuna ahaan Hogaamiyo isku darsaday geesimo, codkarnimo iyo taas oo sabab u noqotay in uu helo dhallinyara badan oo ku qanca fikirkiisa ladagaalanka alshabaab ee lagu xuneynaayo deegaanka oo kasooday dhammaan deegaamada gobalka hiiraan.
markii 2014 kii uu gobalka hiiraan ku dilay qaar kamid ah madaxda alshabaab, waxa ay dowladda somalia ku abaalmarisay in uu ka midnoqda ciidanka xoogga dalka, waxa uuna ka bilaabay darajada xidigle waxaana tababar ciidan loogeeyay dalka turkiga.
Taliye suulnuuge waxa uu caanku ahaa dhexgalka ciidanka iyo ku xernaashaha alle marwaliba waxaana aad luugu xasuustaa in uu markaste dagaalka ku galijiray bisinka rabbi heer ay ciidanka ugu yeedhaan Taliye bisinka uqabo taas oo ka sara martay xataamagaciisa in loogu yeero.
Taliye waxa uuna ka dagaalamay badi goballada dalkeena sida gedo, baay, labada shabeelle, hiiraan, galgaduud iyo mudug, waxa uu udub dhaxaad u ahaa guuda Gorgor oo inta uu katirsanaa looga bartay guulo isdaba joog ah iyo xureynta magaalooyin ay ururka alshabaab horay heysteen.
waxeynu ka xusi karnaa guulihii uu ka gaaray ciidanka, 2020 markii ay soo weerareen ururka alshabaab Ciidankii ku sugnaa saldhigga Awdheegle ee uu hogaaminayay Taliye suulnuuge, Taliyaha iyo ciidankiisa ayaa dagaalkaas kasoo hoyiyay guulweyn waxaana isla maalintii halkaa loogu xiray Darajada gaashaanle.
Taliye suulnuug waxa uu hadafkiisa ugu weyn in laga ciribtira dalka oo dhan ururka alshabaab oo uu u arkayay in ay yahiin caqabadda hortaagan dowladnimada somalia, waxa uuna u arkaayay ladagaalanka ururka alshabaab in ay waajib tahay oo qofkii dila ama aydilaan uu ku muteysanayo janno, sidoo kale waxa uu ahaa geesi aan marna ka baqan geerida waxuuna aaminsanaa in waqtigiisa marka uu soo dhamaada oo qura uu dunidan ka tagidoono.
Taliye suulnuug ayaa ku shahiiday dagaaal ka dhacay deegaanka caad ee koofurta Mudug taariikhdu markii ay aheyd subaxnimo 6 january 2024 isa oo hogaaminaayo guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor.
- Geerida xaqwaayee
- balse kala xanuun badan
- Marka wiil xigaalka ah
- Ahna taliye xeeldheer
- Xushmad iyo wanaag badan
- Xil u haayo qarankoo
- La xarbiya cadaawada
- Isagoo xilkii gudan
- Xureeynaayo ciidoo
- Khawaariijta xagal jari
- Xabad ay haleeshoo
- Xabaalaha lageeyoo
- Ilaahey xagiisiyo
- U xarooda aakhiro
- Geerodu xaqweeyee
- balse kala xanuun badan
Comments
Post a Comment