HISTORY OF JALAQSI DISTRICT

TAARIIKHDA DEGMADA JALALAQSI
Degmada jalalaqsi waa Degmada Koofur usoo xigta Gobolka Hiiraan, Waxay Dhacdaa biyo-shubka hoos ka jira Degmamada Buulo Barde. 

Degmadu waxay ku bilaabatay Tuulo yar oo ay deganaayeen dad beeroley iyo xoolo dhaqato ah, Waqtiyadii dambe ee 1970-aadkii, waxaa Magaalada la soo dejiyey Qaxoonti badan oo ka yimid Gobolka Ogaden ee soomaali Galbeed. 

Wakhtiyadii 1980kii waxaa magaalada Jalalaqsi ku yaalay afar xerro qoxooti kuwaasi oo ay ku noolaayeen dad ka badan ilaa 85.000 oo qof oo Soomaali ah. Wakhtigaasi waxay ahayd magaalada ay ku noolaayeen dadka ugu badan qaxootiga ka yimid gobalka ogaadeenyo ee somaali galbeed. 

Degmadaan waxay caan ku tahay beeraha, sida wax soo saarka galleyda, masagada, sisinta, digirta, looska, sidoo kale waxey caan ku tahay miraha canbe, seeytuunka, liindhanaanta, iyo mira iskuu u baxa oo ay cidna beerin  sida deegaan, shanfarood/ marcood, hohopka, mareerka iyo mira kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. 
TUULOOYINKA HOOSYIMAADA DAGMADA JALALAQSI
Waxaa Degmada Jalalaqsi hoos taga tuulooyinka kala ah, Jaciir, Jamaaca Raaxaale, buulo jaro, buulo cariyaan, Afgooye, Baadicadde, Xamiir gaab, Siibaay, Afcad, Ceelciid, Qoryaale, Fiidoow, Tuulada iji, Show, Dheen, Baqdaad, Quracjafle, maako, Jinbileey, Dirgooys iyo kuwo kaloo badan.
ILAHA DHAQAALAHA DAGMADA JALALAQSI 
Inta badan Dhaqaalaha degmada Jalalaqsi waa mid ku tiirsan Beerashada , sidoo kala Ganacsiga iyo Xoolaha sida lo'da geela iyo ariga. 

Dadka degmada waa kuwo aad u tacbada sisinta, geleyda iyo masagada, waraabka beeraha waxay u isticmaalaan Matooro biyaha soo jiida wabiga shabeelle. 
CIMILADA DAGMADA JALALAQSI 
Cimilada dagmada Jalalaqsi waa cimila aad u gu wanaagsan beerasha iyo xoola dhaqashada, heerkulka inta badan waxa uu u dhaxeeyaaa 21 - 28 degree, 

Dagamada waxeey leedahay laba xilli oo uu roobka ka da'a iyo laba xilli oo qalalan wax roob ahna aan laheyn
Xilliyada roobka:- Xilliga Gu,(Spring) oo ah xilli uu dagma roob ka da'a, wuxuuna ka bilowdaa bilaha (Maarso, Abriil iyo Maay), iyo xilliga Dayrta (Automn) Waa xilli roob inta badan uu kada'a dagmada waxa uuna ka bilaawdaa (Sebtembar, Oktoobar iyo Nofembar). 

Xilliyada qalalan :- Xilliga Xagaaga (Summer) Waa waqti uu dagmada  ka da'o roobab yaryar oo looyaqaano xagaa lakin roobkan ma ahan mid xoolaha ay ku doogsandaa beerahana lagu tacbada waayo aad ayuu u yaryahay waxuu da'aa bilaha   (juunyo, Luulyo iyo Agoosto), iyo Xilliga Jiilaalka (Winter) Xiligan  dagmada wax roob ah kama da'a oo waa xilli qalalan waana bilaha ( Decembar, Janaayo iyo Febraayo) 
BEELAHA DAGA DAGMADA JALALAQSI
Dagmada jalalaqsi waxaa daga seddex biiloow oo aa kala ah Beesha baadacada, Beesha Xawaadle iyo Beesha Jareer, beelahan waa dad xoolodhaqata beeraley ah waana dad aad isu ixtiraama kana wada shaqeeya nabad galyada dagmada jalalaqsi. 

Xagga awood qeybsiga maanulka dagmada inta badan waxaa ku hardama laba beelood oo kala ah beesha xawaadle iyo beesha baadacade tusaale haddii uu Gudoomiyaha dagmada noqda beesha xawaadle waxaa ku xigeen u noqda qof kasoo jeeda beesha badacada, sidoo kale haddii uu Gudoomiyaha noqda qof kasoo jeeda beesha baadicada ku xigeenka waxaa u noqda qof kasoo jeeda beesha xawaadle. 

CIYAAR DHAQAMEEDKA DAGMADA JALALAQSI 
Dagmada jalalaqsi waxaa laga cayaaraa ciyaara kala duwan oo aad iyo aad usoo jiidasha leh waxaana ka mid ah:-
Ciyaarta Walasaqada 
Ciyaarta gableyda 
Ciyaarta kabeebeyda Iwm


Comments